Monday, July 14, 2025

Daacishta Soomaaliya oo soo saartay hanjabaadii ugu cusleyd [Goobaha dadweynaha oo la beegsanayo]

Ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay Buuraha Galgala ee Bari, degaanada Puntland ayaa soo saaray muuqaal digniin culus xambaarsan.

Muqaalka oo u muuqda in lagu duubay fariisinkooda ayaa waxaa kasoo muuqday dagaalyahanno ku hanjabay in ay weerari doonaan goobaha dadweynaha iyo dowladda ee Puntland, waxayna caddeeyeen inay si aan kala sooc lahayn u beegsan doonaan.

Muquaalka waxaa ku jiray saddex qof oo midkood Soomaali yahay, halka labada kalena ay ahaayeen ajaanib, waxaana mid ka midauu ka soo jeedaa dalka Itoobiya, iyadoo lagu magacaabay  Abuu Zubeyr Al-Xabashi.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan howlgalkeedu badan yahay degaanada Puntland, iyadoo Koonfurta Soomaaliya ay kula dagaalameen Alshabaab , inkastoo ay marmar sheegtaan falal khaarijin ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON