Thursday, June 26, 2025

Daahir Jeesow oo loolan adag ka qabsaday inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Federaalka [SAWIRRO]

Iyadoo Doorashada Aqalka hoose ee magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabeelle ay gabagabo ku dhowdahay ayaa maanta la doortay kursi lagu loolamay.

Mid ka mida kuraasta beesha Gaaljecel ayaa waxaa loolan adag ku jiray xildhibaanka difaacanaya Daahir Amiin Jeesow oo musharax adag uu ku soo baxay, waxaana tartankii maanta ku guuleystay Daahir Jeesow oo helay 30 cod.

Musharixii la tartamayay Daahir Jeesow oo lagu magacaabo Xamza Aadan Xaadow ayaa isna helay 21 cod, waxaana uu ahaa tartan adag oo halis lagu geliyay Jeesow oo muddo dheer ku fadhiyay kursigan.

Magaalada Jowhar waxa lagu doortay 37 kursi oo ka mida 38 kursi oo magaaladaasi yaalay, waxaana harsan kursi cusub oo halkaasi loo wareejiyay oo ah kursiga beesha Carab Soomaali, kaasoo qaar ka mida beeshaasi ka hor yimaadeen in Muqdisho lagu wareejiyo.

SAWIRRO

dsc02687

dsc02688

dsc02698

dsc02704

dsc02706

dsc02710

dsc02715

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON