Tuesday, July 1, 2025

Daalibaan ayaa ku dhawaaqday Xukumaad Islaami ah oo Kumeelgaar ah (Akhriso Xubnaha Dowladda)

Daalibaan ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday xukuumad xilgaarsiin ah oo kumeelgaar ah, iyadoo la magacaabay Ra’iisal wasaare, wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Xukuumadda ay Daalibaan ku dhawaaqday waa KMG, waxaana Ra’iisal wasaare Kumeelgaar ah loo magacaaaay Mullah Maxamed Xasan.

C/salaan Xanafi ayaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeekan labaad.

Afhayeenka Daalibaan Dabiixullaahi Mujaahid ayaa akhriyey liiska Golaha Wasiirada xukuumadda Daalibaan.

Sidoo kale Mullah C/qani Baradar ayaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ah ee dalka Afghanistan.

Siraajudiin Xaqaani -Wasiirka Arrimaha Gudaha

Maxamed Yacqub Mujaahid- Wasiirka Difaaca

Hidaayatullahi Badri – Wasiirka Maaliyadda

Amir Khan Mutaqqi- Wasiirka Arrimaha dibadda

Mullah Khairallah Khairkhwa: Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta

Qari Diin Muxammad Xaniif: Wasiirka Dhaqaalaha

Mawlawi Abdul Hakim Sharia: Wasiirka Cadaaladda

Noorullah Nouri: Wasiirka Qabiilada iyo Xuduudaha

Waxaa jira wasiiro aan weli la magacaabin, iyadoo xukuumadda laga dhigay mid xilgaarsiin ah, iyadoo ay ku wada jiraan beelaha iyo Qwmiyadaha kala duwan ee dalka Afghanistan.

Afhayeenka Daalibaan ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daalibaan uu noqon doono Amiirka guud ee Imaarada Islaamiga Afghanistan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON