Weerar Gantaallo ah ayaa lagu qaaday Garoonka Diyuuradaha magaalada Kaabul, iyadoo Mareykanku sheegay inuu hawada ku burburiyay Gantaallahaasi.
Gantaalaha ayaan loo joojin howlaha daadgureynta ah ee ka socda garoonka Diyaaradaha oo diyaaradaha waaweyn ee xamuulka ee C-17 ay daadgureynayaan dadka iyo ciidamada Mareykanka.
Habka difaaca gantaallada Mareykanka ayaa dhexda ka qabtay illaa shan gantaal oo maanta lagu weeraray garoonka diyaaradaha Kabul, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, iyadoo berri uu Mareykanka soo gabagabeynayo joogitaankii 20-ka sano qaatay ee dalka Afghanistan.
Mareykanka ayaa magaalada Kaabul ka daadgureeyay dad gaaraya 114,400 qof, oo ay ku jiraan ajaaniib iyo dadka reer Afghanistan ee lasoo shaqeeyay. Daalibaan ayaa ballanqaaday inay duulimaadyada dadkaasi sii socon doonaan marka ay la wareegto Garoonka.
Warbaahinta Afghanistan ayaa maanta werrisay in weerarka gantaallada laga soo qaaday qeybta dambe ee baabuur yaallay meel u dhow garoonka. Wakaaladda wararka Pajhwok ayaa sheegtay inay dhowr gantaal ku dhaceen qeybo ka mid ah caasimadda Kaabul, kuwaasoo aan lagu guuleysan in laga hortago.
Wararka horudhaca ah ma sheegayaan wax khasaare ah oo ciidamada Mareykanka kasoo gaaray weerarka gantaallada, sida uu sarkaal codsaday inaan la magacaabin u sheegay Reuters.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu mar kale ku celiyey amarkiisa taliyayaasha ee ah “inay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo ay ku ilaalinayaan ciidankooda dhulka jooga,” kadib markii lagu wargeliyey weerarka.
Shalay, diyaarad drone ah oo Mareykanku leeyahay ayaa weerartay gaari qarax lagu fulin rabay oo uu waday is-miidaamiye, kaasi oo saraakiisha Pentagon-ka ay sheegeen in loo waday in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Kabul. Laakiin Daalibaan ayaa sheegtay in gantaal uu Mareykanku riday uu ku dhacay Guri ku dhow Garoonka Kaabul, iyadoo lagu dilay dad rayid ah oo afar caruur ah ku jiraan.
Daalibaan ayaa diiday in hal askari oo ajnabi ah aanu sii joogi doonin dalka Afghanistan wixii ka danbeeya 31 Ogost 2021, iyadoo ay diyaariyeen ciidamadii la wareegi lahaa amnig Garoonka oo haddaba ku sugan afara irid ee garoonka iyo xaafadaha ku dhow, waxaana ka howlgalaya ciidamada gaarka ah ee Daalibaan Badri 313.
