Sunday, July 6, 2025

RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo ka wadahadlay Khilaafka ka taagan Habraaca Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaara la yeeshay Midowga Musharaxiinta oo ay ka wadahadleen xaaladda Doorashada iyo caqabadaha weli hortaagan.

Kulanka ayaa looga wadahadlay Xaaladda Doorashada, khilaafka ka taagan Habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran 24-kii bisha Ogost, iyo sidii loo turxaan bixin lahaa, looguna gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka BFS.

Wararka ayaa sheegaa in xubnaha Midowga Musharixiinta ee la kulmay Rooble ay ka dalbadeen in isbedel lagu sameeyo Habraaca Doorashada ee Golaha Shacabka, iyagoo qoraal kasoo saaray qodobadda ay tahay in meesha laga saaro.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa intooda badan ka tegay Muqdisho, iyadoo aan wax isbedel ah lagu sameyn Habraaca khilaafka ka taagan yahay oo ay ka hor yimaadeen ururada bulshada rayidka, Odayaasa iyo Musharixiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON