Tuesday, July 1, 2025

Daalibaan oo ku dhawaaqday inay Dagaal culus ku qaadeyso Dooxada Panjshir iyo waanwaan fashilantay

Xarakada Daalibaan ayaa shaacisay inay go’aansatay dagaal ay ku qaado Gobolka Panjshir ee uu ka taliyo Axmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii degaankaasi ee Axmed Shah Mascud.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay fashilmeen wadahadal waanwaan ah oo u socday Kooxda Kacdoonka Shacabka la baxday ee uu hoggaamiyo Axmed Mascuud iyo Xarakada Daalibaan, iyadoo shuruudo adag uu la yimid, taasoo keenay in lagu kala tago wadahadalkii socday.

Ahmad Massuud wuxuu hormuud u ahaa Jabhadda Wax iska caabinta Afghanistan. Wuxuu aad ugu eg yahay aabihiis muuqaal, iyadoo ay Gobolka Panjshir oo ee Dooxadaha ay ay galeen kumanaan Ciidamadii dowladda Afghanistan ee burburtay, wuxuu kaloo heystaa maleeshiyo ay isku beel yihiin oo u dagaalama.

Wararka ayaa sheegaya inuu shuruudo adag ku xiray Daalibaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin kooxdiisa la siiyo 30% Xukuumadda dowladda Afghanistan, inaan hubka laga qaadi karin kooxdiisa iyo maleeshiyada uu xukumo iyo inaan la magacaabi karin mas’uuliyiin aanu raali ka ahayn.

Arrintan waxay keentay in Daalibaan ay hadda isu diyaarineyso dagaal ay ku qaado Gobolka ugu danbeeya ee gacanteeda ka maqan dalka Afghanistan, kaasoo hore loogu yiqiin inuu yahay Dooxo Buuraley ah oo ay adag tahay dagaal lagu galo.

Xiisadda Daalibaan iyo Axmed Mascuud ayaa bilaabatay markii uu wiilan reer Galbeedka warqad u qoray warbaahinta Mareykanka, isagoo ka codsanaya dalalka reer Galbeedka inay ku taageeraan sidii uu ula dagaalami lahaa Daalibaan, isla markaana uu ku socon doono jidkii aabihii.

“Waxaan qoraalkan kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, anigoo diyaar u ah inaan raaco wadadii aabbahay, waxaa ila socda dagaalyahanno mujaahidiin ah oo diyaar u ah inay mar kale la dagaalaman Daalibaan. Waxaan leenahay bakhaarro rasaas iyo hub ah oo aan si samir leh u soo aruurinnay tan iyo waagii aabbahay, maxaa yeelay waxaan ogeyn inay maalintani imaan karto. ” ayaa ka mid ahaa qoraalkii uu Axmed Mascuud u diray dalalka reer Galbeedka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON