Thursday, September 23, 2021

Dowladda Qatar oo koox farsamo u dirtay Garoonka Kaabul (Turkiga iyo Qatar oo Daalibaan ka taageeraya..)

Dowladda Qatar ayaa diyaarad sida koox farsamo u diray Garoonka magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan oo ay hadda maamulaan dhaqdhaqaaqa Daalibaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Qatar ayaa xaqiijisay in hawsha kooxda farsamada ee shalay ka degtay garoonka magaalada Kaabul ay ka shaqeyneysi in sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu shaqo bilowdo Garoonka Diyaaradaha magaalada Kabaul.

Codsiga Kooxda Daalibaan iyo xiriirka kala dhaxeeya dalka Qatar ayaa keenay inay khubaro farsamo oo dhinaca duulimaadyada iyo hagida Garoomada ay dowladda Qatar u dirto caasimadda Afghanistaan ​​si ay gacan uga geystaan dib u bilaabista shaqadii Garoonka diyaaradaha magaalada Kaabul.

Ad

Hay’adda Duulista Rayidka ee Afghanistaan ​​ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay ka shaqeyso sidii loo xallin lahaa dhammaan dhibaatooyinka soo wajahay Garoonka Kaabul, iyadoo ujeedadu tahay fududeynta dib u bilaabista duulimaadyada rayidka iyo kuwa ganacsiga.

Daalibaan ay dib isugu yeertay shaqaalaha Waaxda Duulista rayidka inay shaqadooda dib ugu soo laabaan, iyo in la qiimeeyo khasaaraha soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Kaabul kadib markii ay burburiyeen, qalabkiisiina kharibeen ciidamada ka baxay ee Mareykanka.

Waxaa la qiyaasay in dib u habeynta Garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kaabul u baahan yahay lacag gaareysa $300 milyan, si loogu dayactiro.

- Advertisement -

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa Daalibaan ka taageeraya in dib loo furo Garoonka magaalada Kaabul, waxaana arrintan taageeray dowladda Mareykanka oo dalkaasi ay uga harsan yihiin dad gaaraya 200 qof oo ay dooneyso inay kasoo saarto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,857FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,858FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!