Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ayaa magacaabay Wasiiro, Guddoomiyeyaal iyo mas’uuliyiin kala duwan oo xilka sii heyn doona inta laga magacaabayo Xukuumad dalkaasi yeesho oo wadahadalkeedu socdo.
Xarakada Daalibaan ayaa Mullah Abdul Qayyum Zakir u magacaawday sii-hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo ah hoggaamiye Sare oo hore loogu xiray Xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanku ku ururiyeen dagaalyannadii Muslimiinta.
Daalibaan waxay sidoo kale magacawday wasiirrada arrimaha gudaha, waxbarashada iyo tacliinta sare. Xilalka la magacaabay waxaa ay ka mida guddoomiyaha gobolka Kaabul, taliyaha Booliiska caasimadda Afghanistaan, iyo madaxa sirdoonka.
Sidoo kale Maxbuuskii hore ee xabsiga Guantanamo Mawlawi Muhammad Nabi Omari, ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Khost (koonfur-bari Afgaanistaan), xogtuna waxay muujineysaa inay ka shaqeyneyso sidii loo dhisi lahaa 12 xubnood oo ah Golaha Maamulka.
Masuuliyiinta cusub ee Daalibaan Magacawday ayaa kala ah:
Mullah Abdul Qayyum Zakir – sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga
Najibullah – Madaxa Sirdoonka
Gul Agha – Wasiirka Maaliyadda
Sadr Ibrahim – sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha
Sakhaullah – ku-simaha Madaxa Waxbarashada
Cabdul Baqi – ku-simaha madaxa Tacliinta Sare
Mullah Shirin – Guddoomiyaha Gobolka Kaabul
Hamdullah Nomani – Duqa Caasimadda Kaabul
Haji Mohammad Idris – ku-simaha madaxa Bangiga Dhexe ee Afghanistan.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Kabul, afhayeenka Daalibaan Zabihullah Mujahid ayaa xaqiijiyay in wadatashiyada ay sii wadaan dhismaha xukuumadda, wuxuuna sheegay in xarakadu ay ka shaqeyneyso sidii dib -u -habeyn loogu sameyn lahaa ciidanka iyo booliska loona soo celin lahaa mas’uuliyiin hore.
