Monday, June 23, 2025

Daaliban oo qabsatay magaalo muhiim ah iyo kala carar ka taagan Caasimaddii Kaabul

Maleeshiyada Xarkada Daaalibaan ayaa qabsatay magaalada ugu muhiimsaneyd dalkaasi ee Waqooyiga dalka Afghanistan ee Mazar-Asharif.

Magaaladan oo ay ku sugnaayeen 20-kun askari iyo maleeshiyo tiro badan ayaa waxaa dhacday inaysan ciidamadaasi dagaalamin oo ay hubkooda ku wareejiyeen Daalibaan, qaar kalena ay isaga cararreen ayna u tallaabeen dalka Uzbekistan; waxayna arrintan dhabarjab weyn ku tahay xukuumadda dalkaasi oo dadaal ugu jirtay in magaaladaasi laga difaaco Daalibaan.

Qabsashada magaalada Mazar-ASharif ee Goblka Balkh oo ahayd magaalada afaraad ee ugu weyn dalka, waxaa difaacayey ciidamada Afghanistaan ​​iyo laba hoggaamiye-kooxeedyadii hore oo ahaa kuwo xoog badnaa oo hore ula dagaalamay Daalibaan.

Ad

Daalibaanku waxay horumarro waaweyn maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen dalkaasi, iyagoo qabsaday Herat iyo Kandahar, oo ah magaalooyinka labaad iyo saddexaad ee ugu weyn dalka. Waxay hadda gacanta ku hayaan ilaa 24 ka mid ah 34-ka gobol ee Afgaanistaan.

Sabtidii maanta, Daalibaan waxay qabsadeen dhammaan gobolka Logar, oo koonfur ka xigta Kabul, waxayna xireen mas’uuliyiinta maxalliga ah. Waxay Daalibaan gaareen degmada Char Asyab, oo kaliya 11 kiiloomitir (7 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.

Waxaa socda ololeyaal dadka Mareykan ah iyo kuwa Reer Galbeedka looga daadgureynayo magaalada Kaabul, waxaana qaali noqday diyaaradaha taga magaaladasi, iyagoo 5000 askari oo Mareykan ah loo diyaariyey inay howlgal baaxad leh oo daadgureyn ah bilaabaan.

- Advertisement -

Waxaa laga cabsi qabaa inay Daalibaan soo gaarto caasimadda Kaabul, waxaana soo baxaya digniin ka imaaneysa Mareykanka oo ku saabsan inaysan Daalibaan soo gelin caasimadda si looga hortago inay isku dhacaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON