Monday, July 14, 2025

Daawadii ugu horeysay ee lagu tacaalayo Covid-19 dalka Mareykanka iyo natiijada laga helay

Waxaa rajo fiican laga qabaa in daawo hakisa loo helo Coronavirus, kadib markii tijaabo lagu sameeyay bukaano qaba cudurka ay soo gaabisay xilligii ay ku qaadan lahayd inay bogsoodaan dalka Mareykanka.

Remdesivir oo ah daawo loogu hortago virus-yada oo ay sameysay shirkadda Dawooyinka ee Gilead Sciences, dalka Mareykanka ayaa qarka u saaran in loo ogolaado in lagu daweeyo bukaanka qaba cudurka Covid-19.

Daawadan oo Kaniini iyo irbad ahaan loo adeegsado ayaa la ogaaday inay yareyso waqtiga uu qofka qaba cudurka Coronavirus ku bogsan karo, taasoo keentay inay noqoto daawada kaliya ee hadda sugeysa inuu ansixiso isticmaalkeeda Hay’adda FDA ee Mareykanka u qaabilsan Cunta iyo Daawada.

Sida uu qoray Wargeyska New York Times waxaa laga yaabaa in si degdeg loo ansixiyo daawadan si loogu adeegso bukaanada qaba cudurka Covid-19, iyadoo uu wadahadal u socdo Hay’adda FDA iyo Shirkadda Gilead ee soo saartay daawadan.

Madaxa Hay’adda FDA Anthony Fauci ayaa laga soo xigtay in daawadan ay saameyn fiican leedahay inkastoo aysan ahayn 100%, haddana 31% dadkii lagu tijaabiyey ay jawaab fiican bixiyeen, taasoo haddiiba ay waxtar leedahay ay waajib tahay in bukaanada loo adeegsado.

Ilaa hadda ma jirto daawo rasmi ah oo 100% joojin karta ama lagu daweyn karo cudurka Covid-19 waxaana bukaanada loo adeegsadaa dawooyin kala duwan oo ay hadda kusoo biireyso daawadan Remdesivir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON