Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay dabley ka tirsan kooxda Alshabaab ku dhaawaceen degmada Xamarweyne, kadibna dhaawacaasi u dhintay.
Aaska xildhibaanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Jeylaani Nuur Iikar, Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, xildhibaano, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, siyaasiyiin iyo ehellada Marxuumka.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa kadib aaska marxuumka ka dalbaday hay’adaha ammaanka dowladda inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka danbeeyay dilka xildhibaan Gurxan iyo kuwii ka horeeyay, isagoo sheegay inaysan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka,.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa isna tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii uu ka baxay marxuumka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah. “Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya. Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono” ayuu yiri R.W ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.
DAAWO SAWIRRO