Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa lagu arkay isagoo kormeer habeenimo ku sameynaya howsha ay hayaan Waaxda Nadaafada ee Gobolka Banaadir, taasoo ah arrin ku cusub madaxda gobolka soo martay.
Gudoomiyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa iyadoo roob ka jiray magaalada waxay si lama filaan ah u kormeereen Wadada Maka Al Mukarama oo ay ka socdeen Olole Nadaafadeed.
Gudoomiyaha ayaa la arkayay isagoo dhiiri gelinaya haweenka waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir iyo Hooyooyinka Gobolka isagoo daqiiqado yar kala qeyb qaatay howshii ay hayeen ee nadaafadda.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO




