Thursday, June 26, 2025

DAAWO: Caruur ku dhimatay Daad ku qaaday Magaalada Hargeysa & Madaxweyne Biixi oo booqday

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in laba caruur ah ay ku  dhinteen daad xoog leh oo qaaday guri ay ku jireen.

Caruurta Daadku dilay ayaa kala ah Wiil yar oo 40 maalmood jira iyo Gabar ay walaalo yihiin oo 2 sano jir ahayd, kadib markii daad xoo leh uu qaaday gurigooda magaalada Hargeysa. Labada carruurta ah iyo hooyadood oo ku sugnaa gurigooda oo Jiingad ahaa ayaa la sheegay inuu ku soo rogmaday daad xoog badan.

Arrintan ayaa ka dhacday xaafadda Qudhac-dheer ee Koonfurta-bari ee magaalada Hargeysa. Ciidamada Booliska oo u gurmaday goobtaasi ayaa sheegay in la soo badbaadiyay hooyada dhashay caruurrta, haddana lagu dabiibayo Isbitaalka Hargeysa.

Aabaha dhalay carruurta geeriyootay Axmed Qorane ayaa isna sheegay in gurigan sandaqada ah uu qoyskiisu soo degay laba maalmood ka hor una u dhawyahay Doox.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed oo la sheegay inuu xalay tegay goobta shilku ka dhacay, isagoo u tacsiyadeeyay qoyska, aabaha ay masiibadani ku dhacday ayuuna u badallan qaaday in ay dowladdu garab istaagi doonto.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa booqday goobta ay masiibadu ka dhacay

https://youtu.be/XtsleO5zHYI

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON