Daawo loo adeegsan jiray ayaa la ogaaday inay wax weyn ka tarayso la tacaalidda cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya dunida oo dhan, kadib baaris laga sameeyay dalka Australia.
Ivermectin oo ah daawo hore loogu isticmaali jiray infection-ka uu dhaliyo parasite-ka, isla markaana lagula dagaalamo nooleyaasha jeermisyada ayaa hadda la sheegay in lagu daweyn karo bukaannada qaba Coronavirus, markii lagu tijaabiyey bukaanada Cofid-19.
Tijaabada Daawadan lagu sameeyay ayaa keentay inuu 99.8% ay yareeyay viruskii Corona mudd 48 saacadood ah, kadibna uu cudurkii meesha ka saaray muddo 3 maalmood ah, wuxuuna ka hortegayaa inuu virus-ku ku baro jirka, isagoo kala dhantaalaya awoodii uu qofka ku weerarri lahaa.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Royal Melbourne ayaa rumeysan in Ivermectin uu noqon karo kan ugu wanaagsan ee yareyn kara in cudurkan loo dhinto ama xaalad halis ah uu dadka gaarsiiyo, waxayna ku taliyeen in la badiyo tijaabadiisa.
Hore waxaa cudurka lagu tijaabiyey dawooyin hore oo la sheegay inay wax ka tarayaan Coronavirus sida Hydroxychloroquine oo Malaariyada loo adeegsad iyo Favipiravir oo qandhaha loo qaadan jiray.