Inkastoo madaxweynaha Mareykanka ee cusub Donald Trump si weyn uga horjeedo dadka islaamka ah iyo diintooda ayaa haddana wuxuu ku qasbanaaday inuu dhageyso aayado Qur’aan ah.
Arrintan ayaa qeyb ka ahayd caleemo saarka madaxweynaha cusub tan iyo madaxweynihii ugu horeeyay George Washingto 1789, waana caado u taalla caleemo saarka madaxweynayaasha Mareykanka in wacdiyo ku saabsan diimaha kala duwan ee Mareykanka ka jira.
Waxaa aayadaha Qur’aanka oo ay wehliyeen tafsiirkooda oo af-ingiriis ah waxaa akhriyay Imaam Maxamed Maajid oo ah guddoomiyaha jaaliyadda muslimka ee Dallas, oo soo qaatay aayado ka mida suuradaha (الحجرات/13)، (الروم/22).
Goobjooge.com