Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa qaaday tallaabo colaad hurin ah kadib markii uu tegay goobta muranku ka taagan yahay ee Puntland ka dhiseyso suuq xoolaha lagu iibiy (Maxjar), kadibna uu faafiyay sawirro.
Mohamud Yasin Tumey oo ah Duqa Gaalkacyo ee qeybta Puntland maamusho ayaa boggiisa facebook soo dhigay isagoo dhismaha ka qeyb qaadanaya isla markaana guul tilmaamaya, wuxuuna sheegay in dhismaha maxjarka uu gabagabo ku dhow yahay.
Tallaabada duqa Gaalkacyo ee Puntland ayaa imaaneys maalin kadib markii dagaal isla goobtaasi ku dhex maray ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.
DAAWO SAWIRRADA
GOOBJOOGE.COM