Fal aad looga naxo ayaa lagu arkay magaalada Laascaanood kadib markii qoys kasoo jeeda gobolada Koonfureed gabar yar oo ay dhaleen si naxariis daro ah looga dilay, gabadhaasi oo da’deeda ku sheegeen waalidkeed seddax sano jir.
Aabaha gabadhaan yar oo lagu magacaabo Yaxye Muudey ayaa sheegay in gabadhiisa la waayay habeenkii, lana helay meydkeeda markuu waaga baryay, iyadoo ay ka muuqdaan dhaawacyo cunaha iyo qoorta laga gaarsiiyay.Arrintaan oo welwel iyo cabsi ku beertay shacabka Laascaanood ayaa warar suuqa la geliyay oo la hubin ay sheegayeen in la cunay oo dhiiga laga jaqay, hase ahaatee maamulka gobolka Sool iyo booliska ayaa arintaasi beeniyay oo sheegay in gabadha la dilay.
Lama oga sababta ay ku dhacday arintaan iyo cid loo qabtay, hase ahaatee laamaha amniga ayaa wada baaritaan ku aadan arrintaan.
https://www.youtube.com/watch?v=faYux_Rd3fQ