Fannaaniin u dhashay dalalka Khaliijka qaarkood ayaa soo saaray hees ku socota dowladda Qatar oo lagu canbaareynayo siyaasadeeda khilaafka kala dhaxeeya dalalka kale ee Khaliijka.
Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa olole weyn ku haya dalka Qatar oo dhinciisa difaac iyo weerar isku jira iska ku ekeeyay labadaasi dal, iyadoo la isu adeegsnayo warbaahinta shirkado reer Galbeed ah oo la kireystay.
Heestan oo lag magacaabo “U SHEEGA QATAR” waxaa alifay gabyaaga Cali Alkhuwaar iyadoo uu naaxiyadda saaray Faayiz Saciid, waxaana ku luuqeynaya koox Fanaaniin u badan Imaaraadka Carabta, waxyana soconeysaa muddo 6 daqiiqo ah.
Waxay ku bilaabaneysaa:
“قولوا لقطر لا توصل لحد الخطر، لابد من نقطة على آخر السطر، أو نقلب الصفحة ونبدأ من جديد، أما العذر ما عاد للخاين عذر.”
HOOS KA DAAWO
https://youtu.be/-k0i-9Ykr8Y