Duqeyn ka dhacday degaanka Ukunji ee duleedka magaalada Afgooye ayaa dhalisay qasaare dhimasho dhaawac ah oo soo gaaray dad la socday Gaari BL ah.
Duqeyntan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen ciidamada Mareykanka waxayna qeyb ka ahayd howlgal ay wadajir u asmeeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, waxaana warbaahinta taageerta Alshabaab ay soo bandhigeey sawirrada gaariga Caasiga ah ee waxyeelladu gaartay.
Haweeney ayaa ku dhimatay duqeynta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay lix qof oo kale iyadoo dhaawaca dadkaasi maanta la keenay magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada dowladda iyo Taliska Mareykanka iyadoo muuqaallada la baahiyey ay muujinayaan in gaari shacab ah oo siday khudaar iyo Digaag la beegsaday.
DAAWO SAWIRRADA







