Wednesday, June 25, 2025

DAAWO: Gefkii Madaxweyne Farmaajo ka dhacay habeenkii 26-ka June iyo Boobe Yuusuf Ducaale

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaladaad badan ay ka dhaceen khudbadii uu habeenkii 26-ka June ka jeediyay magaalada Muqdisho, isagoo qalday magacyo aan mudneyn in la qaldo weiba habooneyn in adigoo madaxweyne ah qaladid dad aan mudneyn in la hilmaamo.

Farmaajo ayaa khudbadii 26-ka June kusoo qaatay magacyadii abwaanadii ka qeyb qaatay gobonimadii iyo suugaantii taariikhiga ahaa ee ay ka tiriyeen oo ay ku jirto astaanta qaranimada Somalia, taasoo uu madaxweynuhu afkiisa ku toosin waayay.

Waa ayaandaro in Madaxweyne Farmaajo aqoon waayay magacyada abwaanadii ka qeyb qaatay gobonimada iyo suugaantii ay ka tiriyeen, sida Abwaan C/llaahi Sultan Tima Cadde, C/llaahi Qarshe, Cali Sugale, Af-qalooc iyo abwaaniin kale oo aysan aheyn in la hilmaamo.

Qeyb ka mid ah tuducda geerar caanka ah ee C/llaahi Sultaan Tima Cadde “Kana saar kana sib” ee calanka uu u tiriyay oo madaxweynuhu soo qaatay ayaa ka mid ah qaladaadkii madaxweynaha iyo gefka habeenkii 26-ka June, wuxuuna geeraarkaasi u dhigay si aaldan isagoona ku sheegay gabay.

Qoraaga caanka ah ahna taariikhyahanka Boobe Yuusuf Ducaale ayaa wax laga yaxyaxo ku tilmaamay gefka iyo qaladaadka madaxweyne Farmaajo in uu aqoon waayo heestii qaranimada Soomaaliya, isla markaana dad aan mudneyn in la hilmaamo uu aqoon waayay magacyadooda.

Qaladaadka khudbadaha madaxweynaha intaasi kuma koobna, waxaana jira khudbooyin horay oo weliba madaxweynuhu inta badan khudbooyinkiisa ay yihiin kuwo qoran.

Hadaba taariikhda heesta Calanka iyo qaladaadkii uu madaxweyne Farmaajo galay waxaa faah faahiyay Boobe Yuusuf Ducaale, muuqaalka koowaad. waxaa muuqaalka labaad ee hoos isna ka daawan kartaa qaladkii madaxweyne Farmaajo ee heesta astaanta qaranka iyo magacyada abwaaniin aan mudneyn in la hilmaamo.

MADAXWEYNE FARMAAJO KHUDBADII 26-KA JUNE

https://www.youtube.com/watch?v=wl0k3sWxkco

W/diyaariyay Cali Muxiyaddiin Cali
Email: [email protected]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON