Tuesday, July 8, 2025

DAAWO: Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga ee qaabka Doorashada

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Muqdisho oo caawa la soo gabagabeeyay waxaa kasoo baxay qodob ay ka mid yihiin:

  1. Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Federaalka ah.
  2. Dhismaha Aqalka sare iyo kan hoose waa in qayb ka ahaadaan hanaanka doorashada  ee sanadka2016
  3. Doorashada laba aqal waa in ay ku salaysnaadaan isu dheelitir, qabiil iyo deegaan.
  4. In ergooyin doorasho ka qaybqaataan doorashada Xildhiaabanada Baarlamaanka taasoo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada ergooyinku waa in ay kala metalaan qaybaha bulshada, sida haweenka, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.
  5. Inay jirto kuraas cayiman oo kamid ah labada aqal oo loo qoondeeyay Haweenka, waa in la tixgeliyaa doorka dhalinyarad iyo dadka laga tirada badan yahay.
  6. In la isku raaco qorshe siyaasadeed qeexaya meel-marinta hanaanka doorasho 2016, iyo mid kale oo caddaynaya sidii dalka doorasho hal qof hal cod ah loga hirgelin lahaa sanadka 2020, qorshayaashan waa in ay qayb ka nqodaan heshiisyada ugu danbeeya ee doorashad 2016.
  7. Kadib wadatshi ay hoggaamiyaashu ugu noqon doonaan deegaanadooda waa in faahfaahin kama danbeysta ah hannaanka doorasho ee sanadka 2016 iyo qorshe fulineed la isku raaca kulanka lagu qaban doono Kismaayo 10ka Janaayo 2016.

Qeybta sare ka daawo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo go’aanadii shirka

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON