Tuesday, June 24, 2025

DAAWO: Guddoomiye Cirro Afka furtay: “Muuse Biixi waa inuu is casilaa..” [Wareysigii Wasiirka Imaaraadka oo qarxiyey xiisad]

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa afka furtay, isagoo dhaliil kulul u jeediyay xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi, xukuumadii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xisbiga Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo maanta  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa ugu baaqay inuu is casilo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, lana qabto doorashooyin cusub.

C/raxmaan Cirro ayaa yiri: “Siilaanyo Hog madow ayuu ku riday  Somaliland Muuse-na ciiduu ku sii rogay..” waxayna arrintan ka danbeysan markii wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka uu sheegay inuusan aqoonsaneyn Somaliland, isla markaana aysan xitaa Qunsuliyad ku lahayn Hargeysa, iyadoo ay heshiiska Berbera ay ogolaatay dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa qarxisay xiisad siyaasadeed oo Somaliland ka qaraxday, wuxuuna Guddoomiye Cirro si weyn uga hadlay xaaladda Somaliland.

HOOS KA DAAWO

https://youtu.be/0M-7D0bGgrs

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON