Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan oo ka qeyb galaya shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirkaasi, isagoo uga hadlay xaalada dalalka Islaamka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo khudbad ka jeediyey shirka ay u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ciraaq sida ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaana dhanka kale uu khudbaddiisa oo aheyd af Carabi uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda ay oo ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO-ga
DAAWO SAWIRRO
—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation office of Speaker