Sunday, July 6, 2025

DAAWO: Ingiriiska oo Gaadiid ciidan ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa maanta kala wareegay gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka Dawladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews. Wasiirka ayaa  uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo munaasadda wareejinta gadiidka oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan gaadiid, sidoo kalena tilmaamay in taageero kasta oo ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligaa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews  ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

ca4494bb-38a5-41c6-ae06-ec3ee42487ea8e8c7beb-0fc4-47c2-8f4d-b321b4581d64ca4494bb-38a5-41c6-ae06-ec3ee42487ead50b9909-5c5f-47c4-b82d-c1809a9f76f9IMG_20151219_122531_resized

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON