Injineer Mareykan ah oo ka howlgala Garoonka magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kala baxsaday diyaarad rakaab isagoo si lama filaan u duuliyey, taasoo xaalad cabsi iyo amni darro ah dhalisay.
Ninka diyaaradda xaday ayaa hawada gashay, waxayna arrintaasi dhalisay in laba diyaaradood oo dagaal nooca F15 degdeg loo kiciyo si diyaaradaasi ay uga hortagaan uguna qasbaan inay soo degto.
Diyaaradda ayaa jimcihii xill dambe waqtiga Mareykanka iyadoo aan ogolaansho heysan ka duushay Garoonka magaalada Seattle, taasoo keentay in la xiro Garoonka Seattle Tacoma International Airport, waxayna diyaraaddu ku burburtay jasiirad 30 KM u jirta magaalada Seatlle.
Shilkan aya la sheegay inuusan la xiriirin argagixiso, iyadoo aanay cid kale saarneyn marka laga reebo ninka xaday oo magaciisa lagu sheegay 29 sano jir. Diyaaradda ayaa ahayd nooca rakaabka ee qaada 75 qof.
Muuqaalo laga duubay diyaaradda oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyey diyaaradda oo qaab aan caadi ahayn u duuleysa, markii dambena ku dhaceysa jasiirad yar.
Some dude stole a plane from #Seatac (Allegedly), did a loop-the-loop, ALMOST crashed into #ChambersBay, then crossed in front of our party, chased by fighter jets and subsequently crashed. Weird times. pic.twitter.com/Ra4LcIhwfU
— bmbdgty (@drbmbdgty) August 11, 2018