Somalia oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Somalia oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Posted by Goobjooge.com on Wednesday, March 28, 2018

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q/Midoobay Abuukar Cabdi Cismaan ayaa qoraal culus ka hor akhriyey Golaha ammaanka isagoo tallaabada Imaaraadku qaaday ay halis ku tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.