Monday, June 23, 2025

DAAWO: Madaxweyne C/kariin Guuleed oo soo bandhiggay cududda ciidamada Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa maalin kahor booqasho ku tegay deegaanada dhaca bariga gobalka Mudug, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada Galmudug maleeshiyada hubeeysan oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab.

110 Maxaabiis ah oo ajaanib ay ku jiraan ayey Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen, waxaana maamulka Galmudug uu sheegay in dagaalkaasi la soo af-jaray, hase ahaatee uu socdo baadi goobka firxadka horjoogayaashii watay maleeshiyaadkan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in dagaalkii ka socday bariga Galmudug ay soo afjaraan, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan kuwa firxad ah oo la baadi goobayo.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada amniga ee Galmudug, ee ku guuleystay inay soo afjaraan howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, ee ku dhuumaaleysanayay bariga Mudug, runtii howlgalada waa ay sii soconayaan” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo hadalkiisa ku daray in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 115 qof.

Ad

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdiga la socday ayaa maanta dib ugu laabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

DAAWO SAWIRRO

SONA (1)SONA (20)SONA (21)SONA (22)SONA (23)SONA (24)SONA (25)SONA (26)SONA (27)SONA (28)SONA (32)SONA (33)SONA (34)SONA (35)DAAWO: Madaxweyne C/kariin Guuleed oo soo bandhiggay cududda ciidamada GalmudugDAAWO: Madaxweyne C/kariin Guuleed oo soo bandhiggay cududda ciidamada GalmudugDAAWO: Madaxweyne C/kariin Guuleed oo soo bandhiggay cududda ciidamada GalmudugSONA (39)

- Advertisement -

Sawir Qaade:- C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON