Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay guddiga qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo Wakillo ka socdey hey’ada Q/Midoobay iyo Midowga Yurub.
Kulanka waxaa joogey Ra’iisul wasaare ku xigeenka, wakiillada hey’adaha Q.M iyo Midowga Yurub uga shaqeeya arrimaha gargaarka iyo dhammaan guddiga gurmadka Abaaraha, madaxweyne farmaajo, ayaa daah-furay kulanka.
Madaxweynaha J. Soomaaliya, ayaa sheegay in xaalad dhab ah oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo in ay tahay abaarta hadda jirta, waxa uu sheegay in ay xoog badan tahay abaartii dalka ku dhufatay 2011-ka.