Ciyaaryahannada Soomaaliya uga qeybgelin doona ciyaaraha Olymbikada Aduunka ee dhowaan ka furmi doona dalka Brazil
ayaa bilaabay diyaargarowga iyo tegista dalkaasi, iyadoo Soomaaliya ay ciyaaraha uga qeyb galayaan laba ciyaaryahan oo qura kuwaasoo kala ah:
- Maryan Nuux Muuse iyo
- Maxamed Daa’uud Maxamed
Ciyaaraha Olymbikada Adduunka ee dalka Brazil ayaa furmaya doona bisha August ee fooda nagu soo heysa, waxaana isugu imaanaya kumanaan ciyaartoy oo dunida oo dhan ka soca, iyadoo ay yar tahay rajada laba ciyaaryahan ee Soomaaliya ka socda.
Maryan waxay ku tartami doontaa orodka 400 Mitir, halka Maxamed-na uu safan doono orodka 5000 Mitir, waana markii ugu horeysay oo Maxamed Daa’uud ka qeybgalo tartan caalami ah.
Maxamed Daa’uud Maxamed ciyaaryahanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in Soomaaliya u matalo tartankaas isagoo sita calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maryan waxaa ay horey ugu qeybgashay tartano goboleed iyo mid caalami ah, waxaana kamid ahaa tartanada dhalinyarada caalamka ee lagu qabtay dalalka; Kenya, jamhuuriyadda Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia, China iyo wadamo kale.
Ciyaaryahnada Soomaaliya u matali doona ciyaaraha Olympicda ee dalka Brazil ayaa waxaa ay tababar ku qaateen garoonka Stadium Banaadir oo dib u habeyn balaaran uu ku sameeyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo kaashanaya kan aduunka ee FIFA.
SAWIRRO


Isha: NewVision