Waxaa caawa dib loo furay Taalada isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kadib markii muddo ay u xirneyd dayactir.
Muqaalka cusub ee taaladda Axmed Gurey iyo isgoyska ayaa soo jiitay dad fara badan, kadib muuqaal shaashado xayeysiis oo lagu wareejiyay iyo qaab qurux badan oo dib loogu habeeyay.
Waxaa la arkayay dadweyn sawirro isaga qaadaya muuqaalka cusub ee taallada KM4, iyadoo nalal fara badan, xayeysiinta shirkadaha iyo qaabeynta lagu sameeyay ay goobta ka dhigtay gebi ahaanba ku cusub magaalada.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO