Xaruntii lagu dhaarin lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu diyaariyay magaalada Muqdisho.
Iyadoo xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya dib u dhac ku yimid Khamiistii shalay ayaa dhinaca kale waxaa la diyaarinta xaruntii dhaarinta ka dhici lahayd.
Xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho ayaa loo diyaariyay dhaarinta xildhibaanada, waana goobtii ay ka dhacday guddoonkii Baarlamaanka 2012 iyo madaxweynaha.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA