Arrin laga naxo ayaa ka dhacay dalka India, kadib markii Nin oday ah oo 53 sano jir uu qoorta ka jaray xaaskiisa oo 45 sano jir ahayd markii uu khilaaf soo kala dhex galay kadibna madaxii uu ka jaray oo dhiig leh kula dhex lugeeyay wadooyinka magaaladii uu deganaa isagoo gacanta ku wada, gacantii kale uu ku wato Faaskii uu falka ku geystay.
Arrintan ayaa ka dhacday Jimcihii hore ee 9-ka bishan Oktoobar magaalada Pune ee Gobolka Maharashtra dalka India, sida Booliska dalkaasi ay kasoo xigatay Indian Express. Ninka falkan yaabka leh geystay ayay Boolisku sheegeen in lagu magacaabo Ramchandra Sheu Chavan, xaaskiisii uu qoorta uga faaska ayaa iyadana lagu magacaabaa Sonabai Ramchandra.
Khilaafka qoyskan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo odayga uu xaaskiisa ku tuhmay inay xiriir la leedahay wiil gabadh uu dhalay odayga qaba sida deriska qoyskani sheegeen, waxaana marar badan dhacay muran dhex maray odayga iyo xaaskiisa. Ugu danbeyn shilkan ayaa dhacay Jimcihii markii ay mar kale murmeen markaasoo uu Faas madaxa uga jaray, kadibna madaxeedii oo dhiig leh wadooyinka la wareegay.
Booliska oo gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in odayga aanu wax cilad ah qabin oo miirkiisu taam yahay. waxaana lagu soo oogayaa dacwad ku saabsan inuu dil geystay. Arrimaha noocan oo kale ah ayaa ku badan dalka India oo diimo badan iyo dhaqano kala nooc ahi ka jiraan.
HOOS KA DAAWO NINKAN OO JIDKA LA SOCDA MADAXII HAWEENEYDIISA
https://youtu.be/OYx5sNBJuyg
Goobjooge.com