Maamulka iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ee magaalada Jowhar ayaa sameeyay arrin la yaab leh kadib mrkii Qabuurihii lagu aasayay Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo xalay lagu dilay Jowhar la keenay ninkii lagu eedeeyay dilkiisa oo meydkiisa la soo dul taagay.
Ninka dilka ka dambeeyay oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha laguna magacaabo Yuusuf Madoobe ayaa lagu soo bandhigay qabuurihii lagu aasayay Taliye marxuun Cabdiweli Ibraahim Maxamed, iyadoo ay halkaasi joogeem Madaxda maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Iyadoo cabsi weyn iyo naxdin ka muuqato ayaa si ihaano leh loogu hayay goobta aaasku ka dhacayay, waxaana markii dambe loo taxaabay Xabsiga magaalada Jowhar, wuxuuna aasku ku beegnaa isla markii gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglaha.
DAAWO SAWIRADDA
Goobjooge.com