Monday, July 14, 2025

DAAWO: Ninkii Soomaaliga ahaa Dadka ku Tooriyeeyay Magaalada Minnesota

Nin mindi ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo ku yaalla gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu ahaa Daahir Adan oo ahaa 22 jir arday ah.

Aabihii Axmed Aadan ayaa wargeyska Minneapolis ka soo baxa ee Star Tribune u sheegay in Dahir oo ahaa wiil Soomaali ah uu ku dhashay Kenya balse 15-kii sano ee la soo dhaafay uu ku noolaa Maraykanka.

daahir
Daahir Axmed Adan

Wuxuu sheegay in waligii uusan ku tuhmin in uu ku lug lahaa falal xag-jirnimo.

Booliiska ayaa ku wargeliyay Axmed in wiilkiisa la toogtay, kaddib markuu tooriyeeyay sagaal qof.

Ma jirto wax caddaynaya sababtii ku qaaday in uu dadka ku tooriyeeyo magaalada St. Cloud oo 100 km u jirta magaalada Minneapolis.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna intaas ku dartay in mid ka mid ah askartooda uu weerarkaasi geystay.

Ilaa iyo hadda masuuliyiinta si rasmi ah umaysan xaqiijinin aqoonsiga shaqsigii weerarka gaystay.

Minnesota waxay hooy u tahay Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka, Bulshada Soomaalid ayaa si weyn u cambaareeyay falka uu ku kacay Daahir.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON