Friday, June 27, 2025

DAAWO: NISA oo shaacisay magaca & sawirka ninkii ka danbeeyay Qarixii Dekadda Muqdisho

Ciidamada nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa shaaciyay ninkii ka danbeeyay qarixii 11-ka bishan lala beegsaday Dekadda magaalada Muqdisho.

NISa ayaa ninkan magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibraahim Xasan, waxaana uu waday gaarigii weynaa ee lagu qarxay bannaanka dekadda Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 25 qof.

Ninkan oo Alshabaab ugu talogaleen inuu is-miidaamiyo ayaa gaariga dhigay afka hore ee dekadda kadibna meel fog ka qarxiyay isagoo naftiis u baqay, waxaana baaritaan lagu daba joogay kadib suuragashay in gacanta lagu soo dhigo.

Sawirka hoose oo waxaa ka muuqda in ninkan aanu u muuqan qof caadi ah oo uu yahay qof shoogsan ama daroogeysan.

DAAWO SAWIRKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON