Naba-doono ka tirsan Beesha Ceyr digniin iyo baaq u jeediyay beelo uu sheegay inay dagaal u abaabulayaan degaanadooda iyo dowladda dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen xarig ay la daba joogto shaqsiyaadka ka soo jeeda Beeshaasi kadib markii dowladda Soomaaliya loo gacan geliyay Cabdi Nuure Siyaad oo sirdoonka Kenya ay ka soo qabteen dalka Kenya.
Odayaashan oo taageersan kooxda Ahlu suna kuna sugan Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen halkaasi waxay bogaadiyeen kooxda Ahlu suna, waxayna kadib eedeyn u jeediyeen dowladda Federaalka.
Odayaasha oo uu ka mid ahaa Ciise Lugey ayaa ku dooday in duulaanada ka dhanka ah Magaalooyinka Beesha Ceyr, laga soo abaabulo Cadaado iyo Koonfurta Gaalkacyo, laguna adeeganaayo dad wada dhashay.
Wuxuu xusay in goobaha laga soo abaabulaayo dagaalada ay Beesha Ceyr u aragto inaanay iyadu duulaan ku ahayn beelaha la dhashay (Sacad & Saleebaan) ee halkaasi degga, isla-markaana uu ugu baaqaayo inay joojiyaan colaada ay ku hayaan beeshooda.
“Koonfurta Gaalkacyo iyo Degmada Cadaado maalin la arko duulanada ka soo baxaaya in la joojiyaa codsaneynaa. Haddii duulaanadaa la joojin waayo dadka Cayrka la yiraahdo ama Maxamed Madarkicis, dad garan kara dhibtooda weeye. Waxay go’aansanayaan wixii la gudboon.” Ayuu yiri Nabadoonku.
Ciise Lugey ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya gacan si adag ula dhaqmo dadka waxgalka ah ee Beesha Ceyr, hase ahaatee uu ka digaayo in dhibaato ay kaga timaado Beeshaasi, haddii aanu ka laaban dagaalka uu ku hayo xubnaha Beesha.
Cali Dhoof oo isna ka mid ahaa odayaasha shirka jaraa’id ka hadlay ayaa beelaha Sacad & Saleebaan ugu baaqay inay ka waantoobaan in lagu shaqaysto, haddii kalana ay sababi doonto in dadka wada dhashay, wada degga ay kala irdhoobaan.
Nabad-doonadan beeshooda u hadlay ayaa ku hoos nool ururka Ahlu suna ee dowladda uga dhawaaqay Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana dhinac kale ee eedda loo jeediyay ay aamisan yihiin in degaanadaasi ay awood ku leeyihiin beelo kasoo duulay Xeraale iyo degaanka Soomaalida Itoobiya.
Goobjooge.com