Orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Daa’uud Maxamed ayaa lagu wadaa inuu maanta safto kulankiisii ugu horeeyay ee orodka 5000 Mitir oo la dhici doona magaalada Rio ee dalka Brazil.
Maxamed Daa’uud ayaa waxaa tartanka kula jira laacibiin reer caalami ah oo uu ka mid yahay ninka ay isku dalka ka soo jeedaan laakiin u ordaya Ingiriiska ee Mo Farah, waxaana aad looga deyrinayaa fursad uu ku soo bixi karo.
Isagoo wareysi siiyay TV-ga Aljazeera English ayuu ka sheekeeyay Maxamed Daa’uud qaabka uu ku soo tababartay isagoo rasaas ay dushiisa ka dhaceyso, mar kastana qaraxyo dhacayaan, wuxuuna sheegay inuusan helin taageeradii uu u baahnaa marka uu arko ciyaaryahannada kale.
Wuxuu shaki geliyay inuu u noqon doono meel qaraxyo ka dhacayaan oo marka uu tababar ka soo baxo laga yaabo inay rasaastu madixiisa ka dhaceyso, balse ku faraxsan yahay inuu Rio tago.
DAAWO WARBIXINTA OO XIISO LEH