Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo manata gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka, iyadoo ay soo dhoweyntiisa ka qeyb galeen saraa`kiil iyo hablaha hidaha iyo dhaqanka Itoobiya.
Madaxweyne Gaas ayaa kadib u gudbay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia halkaas oo berrito uu ka furmi doono shirka TANA FORUM ee nabadgelyada Qaarada Afrika.
Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
DAAWO SAWIRRO