DAAWO: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo si la yaab leh loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho

0

Ra’iisul Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Qardho ee maamulka Punitland, ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

“Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay Qardho iyada oo wadooyinka ay isugu soo baxeen bulshada ku nool magaalada iyo hareeraheeda oo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku ammaanayaan hoggaanka dawladda federaalka ah iyo wax-qabadka ballaaran ee ay la timid Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhanka dhulka ah kusoo gaaray Qarsho ayaa waxa uu ku ammaanay reer Qardho iyo dhammaan bulshda Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 18 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and crowd

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, crowd and outdoor