Safiirka cusub ee Soomaaliya u diray dalka Sweden Cawaale Cali Kulane ayaa lebis aan hore loo arag u xirtay munaasabadii waraaqaha aqoonsiga danjirnimo looga guddoomay.
Safiirka oo hore uga mid ahaa ergada Soomaaliya ee New York ayaa xirtay dhar u eg kuwa uu xirto qaabilaadda Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf, markii uu maanta waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay, waxaana arrintan ay dood ka dhex dhalisay baraha bulshada Soomaalidu ku xiriirto.
Danjire Cawaale ayaa door biday inuu dhaqanka dalka uu danjiraha ka noqday muujiyo halkii uu dhaqanka dalkiisa soo bandhigi lahaa, waxaana arrintaasi hore u sameeyay safiirka Soomaaliye ee Kenya iyo safiirada Soomaaliya ee Pakistan.
DAAWO LEBISKA SAFIIRKA
Goobjooge.com