Nin hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga Andrey Karlov oo u dhintay dhaawacaasi.
Ninkan ayaa 8 jeer dhabarka ka toogtay safiirka oo markaas khudbad ka jeedinayay carwo bandhig sawir ah oo Ruushku ku qabanayay magaalada Ankara.
Ciidamada Boolis Turkiga ayaa la sheegay inay tacshiirad is weydaarsadeen ninka hubeysan oo halkaasi lagu dilay, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray wasiirka Arrimaha gudaha Turkiga.
Ninka weerarka geystay ayaa ku dhawaaqay ereyo ay ka mid yihiin: Allaahu Akbar, wuxuuna ku qeyliyay: “YAAN LA ILOOBIN XALAB”. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ninka falka geystay uu ahaa sarkaal Boolis ah, sida laga soo xigtay duqa magaalada Ankara.
Waxaa la xaqiijiyay inuu safiirku u dhintay dhaawacii soo gaaray, kadib markii degdeg loo dhigay isbitaalka Guven hospital.
DAAWO SAWIRRADA