Waxaa shalay laga soo qaaday degaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo ciidamo taabacsanaa Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka badan 50 Askari, kuwaaso muddo laba sano ah ku sugnaa degaankaasi kadib dagaalkii Kismaayo ku dhex maray Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.
Ciidamadaas oo heshiis lagu gaaray in laga qaado degaankaasi ayay shalay isku qabsadeen cidda lagu wareejinayo ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana markii dambe lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.
Qeyb hore oo ka tirsaneyd ciidamadam ayaa hore loogu wareejiyay ciida mada Kenya iyadoo lagu xareeyay Jaamacada Magaalada Kismaayo.
DAAWO SAWIRRO