Saturday, November 8, 2025

DAAWO SAWIRRO: Alshabaab oo diyaarado Drone ah k soo bandhigtay Damaashaad ka dhacay Jilib

Kooxda Alshabaab ayaa diyaarad Drone ah ku soo badhigtay Dabaaldeggii munaasabadda Ciidul Adxaa ee ka dhacay fagaare ku yaala degmada Jilib e Jubadda Dhexe.

Boqolaal dadweyne iyo dagaalmayaal Alshabaab ka tirsan oo isu soo baxay ayaa waxaa sawirro ka qaaaday diyaarad Drone ah oo Alshabaab leedahay, taasoo dul heehaabeysay  goobta,iyadoo dadkuna isha la raacayeen.

Fagaaraha  loogu magac daray Macalim Aadan Xaashi Ceyroow w ayaa dabaaldegga ciida ka dhacay, waxaana diyaaradaha Drone-ka,  wxayna Idaacadda Andalus ee Alshabaab ay sheegtay in diyaaradan ay leeyihiin Alshabaab.

Waa Markii ugu horraysay oo xarakada Al Shabaab ay soo bandhigto diyaarado aan duuliye laheyn balse deegaanada xarakadu maamusho ayaa lagu arki jiray diyaaradaha Basaaska Mareykanka oo Hawada meeraysanaya.

Dadka qaarkii ayaa ka cabsi qaba in diyaaradahan ay Alshabaab u adeegsan karto inay bambooyin ku qaado sida ay kooxda Daacish ka sameysay dalka Ciraaq.

Daawo Sawirrada






NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON