Carwadii Afraad ee Buugaagta ayaa goor dhoweyd ka furantay magaalada Muqidsho ‘Mogadishu Book Fair’, iyadoo ay si weyn ugua qeyb galeen dadweyne kala duwan oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda ah iyo qorayaasha ah.
Carwada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair ayaa la sheegay inay socon doonto muddo saddex maalmood ah, waxaana Carwadan soo qabanqaabiyay kooxda New Horizon halheys-ka sanadkan ee Carwada ku sheegay “Literature and Expression in Education” oo micnaheedu yahay Suugaanta ku cabirista waxbarashada.
Marti sharaf badan ayaa ka qeyb galaya Carwada sanadan, waxaana ka mida Cabdi Latif Ega oo ah qoraaga Guban, Professor-ka Mareykanka ah ee Paul. D Williams oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia oo howl-galka AMISOM 2007-2017, Dr. Cali Abubakar oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale oo fara badan.