Soo dhoweyn heer sare ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaho loogu soo dhoweeyay Qarsiga Boqortooyada Yamaama ee magaalada Riyaad.
Soo dhoweynta oo ahay maamuus heer Qaran ah oo Boqorka Sacuudiga sameeyay ayaa ku dhacday jawi qurux badan. Waxaa Qasriga ku sugnaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga iyo madaxda diiwaanka boqortooyada.
Waxaa la tumay astaanta labada dal iyadoo madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Sacuudiga, waxaana soo dhoweynta ay ahayd mid qurux badan oo la mida mid hore Boqor Salmaan Bin C/casiis ugu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Boqorka Sacuudiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ay qaateen ugu hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladdaha ka taagan Geeska Afrika.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com