Friday, June 27, 2025

DAAWO SAWIRRO: Dowladda Brundi oo Ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Brundi ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.

Imaatinka ciidamadan ayaa ku soo beegmay iyadoo la qabanqaabinayo caleemo  saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ciidamadan cusub ayaa bedelaya Guutada 34-aad ee Burundi oo waqtigoodii dhammaaday, waxaana ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Guutada cusub ee ka timid Brundi Leonidas Nsingirankabo ayaa sheegay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kana howlgala Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON