Heshiis dib loogu furayo shirka Jowhar ee hakadka ku jira ayaa looga dhawaaqay in dowladda Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay ku gaareen magaalada Beledweyne, kadib wadahadallo muddo dheer socday oo labada dhinac dhex maray.
Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta ka duulay magaalada Beledweyne isagoo dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana odayaasha ogolaaday heshiiskaasi ka mida odayaasha dhaqanka Hiiraan, inkastoo weli uu diidan yahay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA