Tuesday, June 24, 2025

DAAWO SAWIRRO: Hoobiyihii lagu garaacay Muqdisho & Gaarigii siday oo ay qabteen ciidamada Booliska

Ciidamada Booliska ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari  caasi ah (Mini Bus) oo uu saarnaa Qariga Hoobiyaha ee loo adeegsada madaafiic caawa meelo ka mid ah Muqdisho ay ku rideen koox dabley ah siiba, degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, halkaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen toban kale.

Taliyaha qeybta guud booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu qabtay gaariga ay wateen dhagar qabayaasha ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah uu ahaa kii ay maleeshiyaadka Shabaabku ku qal qal gelinayeen amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka booliska ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda gaariga.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda gaariga wadatay ay gaarayeen afar ruux, kuwaasi oo labo ka mid ah iyaga oo dhaawac ah la geeyay goobaha caafimaadka, oo lagu dabo joogo. Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Kooxda madaafiicda tuureysay,iyagoo marki dambe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaariga ay wateen iyo hoobiyeyaashii saarnaa, kuwaasi oo taliska qeybta guud ee gobolka uu saxaafadda u soo bandhigay.

DAAWO SAWIRRADA

vlcsnap-2016-04-07-22h54m53s188vlcsnap-2016-04-07-22h53m56s130vlcsnap-2016-04-07-22h53m39s224vlcsnap-2016-04-07-22h53m33s159vlcsnap-2016-04-07-22h52m55s34vlcsnap-2016-04-07-22h52m47s207vlcsnap-2016-04-07-22h52m34s81vlcsnap-2016-04-07-22h52m28s17vlcsnap-2016-04-07-22h52m21s206vlcsnap-2016-04-07-22h51m14s47vlcsnap-2016-04-07-22h51m06s224vlcsnap-2016-04-07-22h50m52s85vlcsnap-2016-04-07-22h50m45s16vlcsnap-2016-04-07-22h49m50s231vlcsnap-2016-04-07-22h49m43s160vlcsnap-2016-04-07-22h49m33s67vlcsnap-2016-04-07-22h49m25s244vlcsnap-2016-04-07-22h48m52s167vlcsnap-2016-04-07-22h48m39s32vlcsnap-2016-04-07-22h48m31s211

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON