Thursday, June 26, 2025

DAAWO SAWIRRO: Kenyaatiga sharci darrada ku joogay Muqdisho ee la xukumay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday 27 ruux oo u dhashay adlka Kenya, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah ku joogeen dalka isla markaana ka shaqeynaysanayeen, sida uu ku soo eedeeyay Xafiiska Xeer ilaalinta dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi, isagoo sheegay in dadkan ay caddaatay inay sharci darro ku joogeen dalka oo aanay heysan wax fiiso ah, isla markaana shirkad ay dalka soo gelisay, waxaana mid waliba oo ka mida 27-ka ruux lagu xukumay $10 oo ganaax ah maalin waliba intii ay dalka joogeen, kadibna dalka laga masaafuriyo, haddii ay lacagtaasi iska bixin waayaan ayaa loogu bedeli doonaa xabsi

Shirkadda lagu magacaabo  LIBERLINK  ee shaqaalaha Kenyaatiga ah dalka soo gelisay ayaa iyadana lagu xukumay ganaax dhan $10,ooo (toban kun oo doolar), iyadoo lagu helay inay heysan wax ruqsad ah oo ay dalka uga howlgasho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON