Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa xalay ka qeyb galay habeenka nooleynta Leyla-tul Qadriga oo lagu qabtay Masjidka Jaamaca ah ee weyn magaalada Ankara.
Erdogan ayaa ku dhex jiray dadweyne fara badan oo masjidka ku sugnaa kuwaasoo caadiyan habeen waliba oo bisha Ramadan ay tahay 27 masaajidda camira si aanu habeenka weyn kheyrkiisa u seegin.
Leylatul qadriga ayaa loo badiyaa habeenka 27aad ee bisha Ramadaan iyadoo lagu nooleeyo Salaad, Ducooyin iyo Quraan akhris.
SAWIRRO